Somalia, 1-da Nofeembar 2025 — Hay’adda Qatar Charity ayaa si rasmi ah uga bilowday Isbitaalka Guud ee Tog-Wajaale olole caafimaad oo bilaash ah oo lagu daweynayo indhaha isla markaana lagu samaynayo qalliimo, kaas oo socon doona 1-da ilaa 5-ta Nofeembar 2025.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qayb galay maamulka degmada Tog-Wajaale, maamulaha isbitaalka, iyo wakiillo ka socday Qatar Charity. Masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in in ka badan 500 qof ay iska diiwaan-geliyeen si ay uga faa’iidaystaan adeegyada baaritaanka iyo qalliinka.
Maamulka isbitaalka ayaa intaas ku daray in tirada guud ee dadka iska diiwaan-geliyay ay gaartay 530 qof, kuwaas oo loo kala saari doono bukaanada u baahan qalliinka iyo kuwa u baahan daaweyn fudud.
Masuuliyiintu waxay bulshada deegaanka ugu baaqeen inay ka faa’iidaystaan fursadan caafimaad, iyagoo uga mahad celiyay Qatar Charity taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Tog-Wajaale.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Qatar Charity ay ka fuliso barnaamij caafimaad gudaha Somaliland. Hay’addu hore ayay ololeyaal caafimaad iyo qalliimo indhaha ah uga qabatay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, si kor loogu qaado helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada danyarta ah.




