Doha – 9 December 2025 (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa qalinka ku duugay afar heshiis oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal kadib kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Sare ee Iskaashiga labada dhinac ee ka dhacay magaalada Doha. Heshiisyadan ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo horumarinta mashaariicda la xiriirta arrimaha bulshada.
Heshiisyada waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar, Suldaan bin Sacad Al Muraykhi, waxayna kala yihiin;
Maamulka cashuuraha iyo ka hortagga dambiyada la xiriira, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha cashuuraha iyo la dagaalanka falalka sharci-darrada ah.
Iskaashiga arrimaha dhallinyarada, iyada oo lagu horumarinayo fursadaha tababarada, waxbarashada, iyo ka-qaybgalka howlaha bulshada.
Iskaashiga beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha iyo sugidda cuntada.







