Qatar, 9 December 2025 — Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) ayaa ku dhawaaqay in uu $1 milyan u qoondeeyey hay’adda Qatar Charity, si ay u fuliso gargaar degdeg ah oo loogu talagalay bulshooyinka ay abaartu saameysay ee ku nool Somaliland. Deeqdan ayaa kusoo beegantay sidii loo xaqiijin lahaa taageero degdeg ah oo ku aaddan amniga cuntada iyo helitaanka biyo nadiif ah, iyada oo ay ka faa'iideysan doonaan ku dhawaad 9,000 qoys, oo ay ku jiraan qoysas gudaha ku barakacay.
Qoraal uu Sanduuqa Horumarinta Qatar ku baahiyey barta X (hore Twitter) ayaa lagu sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada Qatar ay ku xoojinayso adkeysiga bulshooyinka nugul, gaar ahaan marka ay ku jiraan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha abaaraha soo noqnoqda.
Somaliland ayaa sanadkan wajahday abaaro ba’an, kaddib markii roobabkii Gu’ga (April–June) ay hoos uga dhaceen celceliskii la filaayay, halka weli laga cabsi qabo in xilliga Deyrta uu sidoo kale noqon karo mid aan buuxin baahida dhulka, xoola-dhaqatada iyo beeralayda. Arrintan waxay sii kordhisay halista cunno-yarida iyo biyo la’aan haysata bulshada ku tiirsan xoolaha iyo beeraha.







