Muqdisho, 14 Maarso 2026 (Dawan) – Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Sabti ah dib u xaqiijisay kaalinteeda ku aaddan taageerada dadaallada bini’aadantinimo ee Soomaaliya, iyadoo dalku u wareegayo hannaan isku-tashi ah si loola tacaalo xaaladaha abaaraha iyo hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ah.
Kulan heer sare ah oo lagu qabtay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa waxaa ka qayb galay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee xilka ka tegaya, James Swan, kaas oo dhowaan loo magacaabay inuu hoggaamiyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, MONUSCO.
Swan waxaa weheliyey George Conway, Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Degganaanshaha iyo Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, kaas oo joogitaankiisu hoosta ka xarriiqay muhiimadda isuduwidda istaraatiijiyadeed xilli dalku uu wajahayo isbeddel ku yimid gargaarka caalamiga ah.
“Qaabkii hore ee looga jawaabi jiray arrimaha bani’aadamnimo wuu isbeddelay 18-kii bilood ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Swan, isaga oo raaciyay “Hannaan si weyn ugu tiirsanaa gargaarka baaxadda leh ee deeq-bixiyeyaasha ayaa sii isbeddelaya. Waxaa aad muhiim u noqon doonta in dowladuhu la wareegaan doorka hoggaamineed ee isku-duwidda deeq-bixiyeyaasha kala duwan—kuwa rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahaynba.”
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in ilaha maalgelinta ee soo jireenka ahaa ay hoos u dhaceen, taasoo dowladda saartay “culays weyn”, iyadoo ay sii kordhiyeen colaadaha ka taagan gobolka Bariga Dhexe.








