Dhuusamareeb (Dawan) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinnimada Galmudug, isagoo sheegay in go'aankaasi uu salka ku hayo danta guud, xasilloonida iyo midnimada maamulka.
Qoor Qoor ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 26-ka Juun oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu si rasmi ah u shaaciyay inuusan ka qeyb geli doonin hanaanka doorashada ee socda.
“Waxaan go'aansaday process-ka hadda socda anigu inaan ka haro, oo aan ka tanaasulo,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. Madaxweynaha ayaa sheegay in go'aankaasi uu qaatay kadib markii uu mudnaanta siiyay midnimada iyo horumarka Galmudug, isagoo xusay inuusan doonayn in loollanka siyaasadeed uu dib u dhigo ama dhaawaco guulihii ay dowlad-goboleedku gaartay muddadii uu hoggaanka hayay.
Waxa uu sidoo kale caddeeyay inuu sii wadi doono gudashada waajibaadka madaxtinnimo ilaa laga soo gabagabeynayo doorashada, islamarkaana uu si waafaqsan dastuurka xilka ugu wareejin doono musharraxa ku guuleysta.