Muqdisho (Dawan) – Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa su’aal geliyey saldhigga dhaqaale iyo sharci ee sarifka la soo jeediyey ee 100 Shilin Soomaali halkii hal doollar oo Mareykan ah, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodayo wax-ka-beddelka sharciga maamula Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Intii lagu guda jiray doodda akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka Sabtidii, Cabdullaahi Carab ayaa su’aalo ka keenay Qodobka 34-aad, faqraddiisa labaad, isaga oo weydiiyey sababta sarifkaas loo dejiyey iyadoo aan xildhibaannada loo soo bandhigin daraasad rasmi ah.
“Maxaa saldhigga dhaqaale iyo sharci ee lagu go’aamiyey Qodobka 34-aad, faqraddiisa labaad, in 100 Shilin Soomaaliga ah uu la mid yahay hal doollar, iyadoo aan Golaha loo soo bandhigin daraasad rasmi ah?” ayuu Carab weydiiyey intii uu socday kulanka.
Waxa uu sidoo kale su’aal geliyey sida qorshahaasi u saamayn karo awoodaha Bangiga Dhexe ee dejinta iyo hirgelinta siyaasadda lacagta, isaga oo sheegay in xildhibaannadu u baahan yihiin caddayn ku saabsan qaab-dhismeedka sharci iyo dhaqaale ee lagu maamulayo lacagta.
Dooddan ayaa imanaysa iyadoo Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay dib u soo celiso Shilinka Soomaaliga, kaddib tobannaan sano oo aanu Bangiga Dhexe soo saarin waraaqo lacag cusub ah. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa qiimayn uu sameeyey bishii Diseembar 2024 ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso inay Shilinka Soomaaliga dib ugu soo celiso lacag sharci ahaan loo isticmaalo wax kala iibsiga, taas oo beddelaysa waraaqihii hore ee lacagta oo intooda badan been-abuur noqday.
IMF ayaa sheegtay in dib-u-habayntan looga golleeyahay dib u soo celinta kalsoonida lacagta qaranka, ballaarinta helitaanka adeegyada maaliyadeed ee dadka aan si fudud u heli karin adeegyada bangiyada iyo fududeynta wax kala iibsiga qiimahoodu yar yahay.