Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadantinimada ee Somaliland ayaa gargaar raashin ah u qaybisay 450 qoys oo barakacayaal ah, kuwaas oo dhawaan la dejiyay dhul ay leeyihiin, sida lagu sheegay war kasoo baxay maamulka.
Kulanka qaybinta, waxaa goob joog ahaa, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadantinimada, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo, Guddoomiyaha Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka, iyo Guddoomiye ku xigeenka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada Hargeysa, Axmed Macallin Haaruun.
Wasiir Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa sheegay in taageeradan ay qeyb ka tahay qorshayaasha wasaaradda ee lagu garab istaagayo dadka barakacayaasha ah, si loo yareeyo saameynta nololeed ee ay la kulmaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo, ayaa isna xusay in mashruucani uu muhiim u yahay sugidda cunnada qoysaska, gaar ahaan kuwa soo maray xaalado adag.


