Raaso, 24 September 2025 – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa Talaadadii daah furay Jaamacadda Islaamiga ee Raaso oo wajigeedii koowaad oo ka koobnaa 10 baloog la soo gabagabeeyay.
Sida uu sheegay Xafiiska Warfaafinta Dowlad Deegaanka Mashruucaan ayaa waxaa ku baxday wajiga kooowaad in ka badan 400 oo birr una dhiganta qiyaastii 7,200,000 oo dollar, guud ahaanna mushruuca wajiyadiisa dhan waxaa ku baxeyso in ka badan 36 bilyan oo dollar.
Jaamacaddaan cusub ayaa bixin doonta caluumta diinta islaamka, iyada oo ilaa shadaado heerka labadaad ee jaamcadda ah bixin doonta, iyadoo sidoo kale sida uu sheegay xafiiska ay noqon doontaa jaamacaddi ugu horeysay ee bixisa adeegyadaan oo kale guud ahaan dalka Itoobiya.
Sidoo kale xafiiska ayaa sheegay in dhismaha jaamacadaan qarash badan uusan ku bixin shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha, iyada oo dadweynaha deegaanka ay qeyb wayn ka qaateen in mashruucaan ay ugu deeqaan xookooda oo ay qeyb ka noqdaan shaqaalaha dhismaha.