Soomaaliya, 16 Febraayo 2026 (Dawan) – Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa laba nin ku xukuntay min 15 sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira argagixiso, oo ay ku jiraan dilal iyo qaraxyo ka dhacay gobolka Gedo.
Go’aankan ayaa yimid kaddib racfaan uu qaatay Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidanka Qalabka Sida, oo ka horyimid xukunkii hore ee maxkamadda darajada koowaad, kaas oo mid ka mid ah eedeysanayaasha lagu xakumay muddo ka gaaban tan hadda la go’aamiyay.
Raggan oo lagu kala magacaabo Maxamed Aadan Abubakar (oo loo yaqaan “Heydar Mukhtaar”) iyo Maxamed Khadar Cali Aadan, ayaa lagu helay inay abaabuleen weerarro isdaba joog ah oo ka dhacay magaalada xuduudka ah ee Beled Xaawo intii lagu jiray sannadkii 2025.







