Jabuuti (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa Khamiistii dejiyay qorshe hawleed cusub oo lagu hirgelinayo mudnaanta dowladda, isagoo faray wasaaradaha inay diiradda saaraan qorshayaal fulin oo cad oo la cabbiri karo si loo dardargeliyo dib-u-habeynta iyo hirgelinta siyaasadaha dowladda, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoominayay kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in wasaaradaha looga baahan yahay inay ka gudbaan bandhigyada guud ee siyaasadeed, isla markaana ay soo diyaariyaan qorshayaal fulineed oo qeexaya tallaabooyinka la qaadayo.
Wuxuu tilmaamay in wasaarad kasta laga doonayo inay caddeyso xaaladda ay hadda ku sugan tahay, yoolalka ay hiigsaneyso 12-ka bilood ee soo socda, tallaabooyinka mudnaanta leh, ilaha maalgelinta iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta qorshayaasheeda.
Intii uu socday kulanka, doodaha ayaa diiradda lagu saaray mudnaanno dhowr ah oo ay dowladda Jabuuti muhiimad siinayso, kuwaas oo ay ka mid yihiin kobcinta iyo kala-duwanaanshaha dhaqaalaha, helidda maalgelinta gudaha iyo dibadda, xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, isbeddelka tamarta, horumarinta tayada shaqaalaha, adkeynta isku-duubnida bulshada iyo horumarinta gobollada.
Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha, isagoo ka digay in si aan nidaamsaneyn loo wajaho arrimaha muhiimka ah sida shaqo-abuurka, tamarta iyo horumarinta gobollada.