Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Khamiistii difaacay bixinta mushaarka iyo xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha dowladda federaalka ee ku sugan Puntland, isagoo sheegay in dowladda ay sii wadi doonto gudashada waajibaadkeeda ku aaddan shaqaalaha si rasmi ah uga diiwaangashan hay’adaheeda.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada iyo shaqaalaha ku jira diiwaanka dowladda federaalka ay xaq u leeyihiin mushaar iyo dhammaan xuquuqdooda, iyadoo aan arrintaasi saameyn ku yeelanayn khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
“Kun baad ka hadli, labaad ka hadli, toban kun, labaatan kun, soddon kun baan qoraynaa oo aan siinaynaa xuquuqdooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wuxuu xusay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta caddaaladda, sinaanta iyo bixinta xuquuqda dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha ka tirsan hay’adaha dowladda, meel kasta oo ay dalka ka joogaan.