Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta munaasabadda Maalinta Midowga Yurub ee lagu qabtay Muqdisho ugu baaqay kooxaha mucaaradka iyo saamileyda siyaasadda inay ka qeyb qaataan wada-tashiyada qaran ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiirrigelinayso in dhammaan dhinacyadu si mas’uuliyad leh uga qeyb qaataan wadahadallada isla markaana ay soo bandhigaan aragtidooda.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu casuumaad furan u fidiyay kooxaha mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda si ay uga qeyb qaataan wada-tashiyada qaran,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.
“Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay yimaadaan, si wax-dhis leh uga qeyb qaataan, islamarkaana ay si mas’uuliyad leh u soo bandhigaan aragtidooda,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka wada dhaxeyso dhammaan shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay midnimo iyo wada-shaqeyn siyaasadeed xilligan uu dalku ku jiro marxalad muhiim ah oo dhismaha dowladnimada ah.


