Muqdisho (Dawan)— Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay xafladda qalin-jabinta 172 arday oo dhammaystay barnaamijyada Daraasaadka Sare ee Jaamacadda SIMAD, munaasabadda oo uu ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu aysan ku ekaan shahaado la helo, balse ay tahay inay ka muuqato hab-dhaqanka, masuuliyadda iyo adeegga bulshada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay isbeddel bulsho oo ay hormuud ka noqdaan dadka wax bartay, isagoo tusaale u soo qaatay doorka aqoonta iyo wacyiga bulshada.
“General qabyaaladiiste ah iyo Sheekh qabyaaladiiste ah, intaas kadib xaggee loo socdaa? Isbeddel ayaa loo baahan yahay.” — Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidaas yiri.