Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay wasiirrada Xukuumadda, iyadoo lagu eegayay heerka fulinta qorshayaashii iyo ballanqaadyadii ay wasaaraduhu horey u dejisteen, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulankan qiimeynta ah ayaa diiradda lagu saaray waxqabadka wasaaradaha, caqabadihii soo baxay intii lagu guda jiray hirgelinta qorshayaasha, fursadaha jira iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in lagu horumariyo howlaha dowladda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in qiimeyntu ay salka ku hayso qorsheyaal ay wasaaraduhu diyaariyeen oo ay si wadajir ah u ansixiyeen, iyadoo la eegayo heerka laga gaaray himilooyinkii lagu heshiiyay.
“Qorshe ayaynu samaysanay, idinka ayaa dejiyay, kadibna waan isla saxiixanay. Qorshihii ayaan isla qiimeynaynaa, waxaan eegaynaa caqabadaha jira, fursadaha iyo waxyaabaha aan sixi karno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.