Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho aan loo oggolaan karin in uu noqdo arrin la iska ciyaaro, isaga oo ciidamada ammaanka ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidamada Qaranka, taas oo si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Xamse ayaa sidoo kale kulan la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada kala duwan, isagoo dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda amniga Muqdisho.