Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka digay in Geeska Afrika uu wajihi karo dhibaatooyin ballaaran oo aan xad lahayn, haddii dalal kale ay ku daydaan tallaabada uu ku tilmaamay mid xadgudub ah ee uu qaaday Ra'iisul Wasaaraa Israa'iil kaddib markii 26-kii Diseembar 2025 uu ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland.
Xamse Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay Madasha Aragti-Wadaagga ee Hay’adda Heritage, ayaa uga digay dowladaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamka inay isku dayaan tallaabooyin la mid ah kuwa Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay inay si toos ah u dhaawacayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland uu khatar gelinayo xasilloonida gobolka, isaga oo tilmaamay in Geeska Afrika uu horeyba u ahaa gobol ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni. “Haddii dalal kale ay isku dayaan inay jidkaas maraan, waxa ay gobolka gelinayaan xaalad aan horay loo arag, dabna ay shidi karaan oo aan sahal lagu damin karin,” ayuu yiri.






