Muqdisho (Dawan) — Farshaxaniistaha Soomaaliyeed Cabdinaasir Cabdiqaadir Maxamed, oo loo yaqaan 4C, ayaa safarkiisa farshaxanimo ka soo bilaabay xaalad ay aad u koobnaayeen agabka iyo fursadaha uu heli karay, balse wuxuu sii watay go’aan adag oo ah inuu wax abuuro oo uu horumariyo hibadiisa.
Safarkiisa, caqabadihii uu soo maray iyo waayo-aragnimadiisa uu ka helay fagaarayaasha caalamiga ah ayuu kaga hadlay Barbaarta Podcast, oo uu daadihiyo isla markaana soo saaro Abukar Osman, ayna baahiso Dawan Media
Ka hor bandhigyada caalamiga ah iyo fursadaha uu maanta helayo, 4C wuxuu ahaa arday ku nool Boosaaso, halkaas oo farshaxanku uu si tartiib ah qayb muhiim ah uga noqday noloshiisa.
Xilliga ardayda kale ay ku mashquulsanaayeen kubbadda cagta iyo ciyaaraha kale, isaga waxaa si gaar ah u soo jiidan jiray farshaxanka. Wuxuu muddo ka dib fahmay in farshaxanku uusan ahayn hiwaayad oo keliya, balse uu yahay qayb ka mid ah shakhsiyaddiisa iyo habka uu dunida u arko.
Farshaxan lagu sameeyo agab xaddidan
Bilowgii safarkiisa farshaxanimo, 4C wuxuu wajahay caqabad weyn oo la xiriirtay helitaanka agabka xirfadeed ee farshaxanka.
Halkii uu ka heli lahaa acrylic, oil iyo agab kale oo ay adeegsadaan farshaxaniistayaasha xirfadlayaasha ahi, wuxuu ku shaqeyn jiray waxyaabaha deegaanka uu ku noolaa laga heli karay
Waxaa ka mid ahaa Tubeeti iyo Ismaalto, oo ah noocyo rinji ah oo caadi ahaan loo isticmaalo darbiyada iyo guryaha.
4C wuxuu sheegay inuu rinjigaas u adeegsan jiray farshaxankiisa xilli ay adkayd in la helo agab xirfadeed. Wuxuu sidoo kale tijaabin jiray walxo kale si uu rinjiga ugu waafajiyo shaqadiisa farshaxanimo.
Agab la’aantu ma aysan joojin horumarkiisa; balse waxay noqotay qayb ka mid ah waxbarashadiisa iyo waayo-aragnimadiisa farshaxanimo.
Xilligii uu dugsiga dhiganayay, 4C wuxuu ka qayb galay tartan farshaxan oo lagu siiyay watercolor, oo ah agab uusan horay u aqoon sida loo isticmaalo.
Wuxuu tijaabiyay midabbadaas, ugu dambayntiina wuxuu sameeyay mid ka mid ah shaqooyinkii ugu xoogga badnaa tartanka.
Waxa isaga muhiimka u ahaa ma ahayn oo keliya inuu tartanka ku guuleysto. Wuxuu si gaar ah u xiiseynayay agabka la siiyay, wuxuuna doonayay inuu kaydsado rinjiga haray si uu ugu sii tababarto.
Khibraddaasi waxay qayb ka noqotay aragti uu markii dambe ku dhisay xirfaddiisa: hal-abuurku mar walba kuma xirna tayada agabka aad haysato, balse wuxuu ku xiran yahay waxa aad ka abuuri karto waxa aad haysato.
Hooyadii iyo adeerkiis ayaa ka mid ahaa dadka dhiirrigeliyay horumarkiisa farshaxanimo.
Nairobi oo beddeshay aragtidiisa farshaxanka
Caqabadihii la xiriiray agab la’aanta, shaqo la’aanta iyo fursadaha koobnaa ma aysan joojin 4C.
Isbeddel weyn ayaa yimid sanadkii 2022, markii uu Nairobi u aaday degenaansho farshaxan.
Kahor safarka, wuxuu aaminsanaa in qalab casri ah ah uu muhiim u yahay samaynta farshaxan heer sare ah. Balse Nairobi ayaa aragtidaas wax ka beddeshay.
Wuxuu halkaas ku arkay farshaxaniistayaal wax ka sameynaya waxyaabo caadi ah sida warqad, qashin, alwaax iyo walxo kale oo la isku daray. Waxa uu sida gaarka ah ula dhacay waxay ahayd sida waxyaabo aan qiimo badan lahayn loogu beddeli karo shaqooyin hal-abuur leh. Khibraddaasi waxay ballaarisay fahamkiisa ku saabsan hal-abuurka.
4C wuxuu fahmay in hal-abuurku uusan ku xirnayn inaad haysato agabka ugu wanaagsan, istuudiyaha ugu fiican ama xaaladaha ugu habboon, balse uu ku saabsan yahay inaad fursad ka dhex aragto waxa aad haysato. Aragtidaas ayuu Soomaaliya kula soo noqday.
Wuxuu sidoo kale arkay farqi u dhexeeya nidaamka farshaxanka Kenya iyo kan Soomaaliya.
Nairobi, sida uu sheegay, waxaa ka jiray goobo bandhigyo, matxafyo, jaamacado iyo helitaan wanaagsan oo agabka farshaxanka ah, kuwaas oo farshaxaniistayaasha u fududeeya inay xirfaddooda horumariyaan.
Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer oo farshaxan, balse 4C wuxuu aaminsan yahay in dalka weli u baahan yahay xarumo, tababarro, agab iyo fursado badan oo farshaxaniistayaashu ku horumariyaan xirfaddooda.
Nairobi ilaa Venice
Fursadihii xigay ayaa ugu dambayn 4C geeyay fagaaraha caalamiga ah ee farshaxanka. Wuxuu Talyaaniga u safray si uu uga qaybqaato La Biennale di Venezia, oo ka mid ah bandhigyada waaweyn ee farshaxanka casriga ah ee caalamka, laguna qabto magaalada Venice.
Sida uu sheegay 4C, waxay ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay ka qaybqaadato bandhiggaas.
Doorkiisa wuxuu ahaa inuu Soomaaliya ku matalo live painting, isaga oo farshaxanka ku samaynayay goobta iyadoo dadku daawanayaan. 4C wuxuu sheegay in ujeeddadiisu ahayd in dadka ka qaybgalaya bandhigga ay arkaan in uu jiro farshaxaniiste Soomaaliyeed, isla markaana uu awood u leeyahay inuu hibadiisa ku muujiyo fagaaraha caalamiga ah. Wuxuu sheegay in dad badan oo bandhigga joogay ay wareysiyo ka qaadeen.