Soomaaliya, 25 Sebtembar 2025 – Raysulwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Khamiistii ku eedeeyay hoggaamiyeyaal mucaarad ah in ay isku dayeen afgambi ka dhan ah dowladda, isaga oo ku andacooday in weerar lagu qaaday saldhigga booliska Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ay ka dambeeyeen.
Barre ayaa muuqaal uu xafiiskiisu baahiyay ku sheegay in koox ka tirsan Samatabixinta ay Arbacadii qaaday “weerar sharci-darro ah” oo lagu bartilmaameedsaday ciidamada booliska, taas oo uu ku tilmaamay isku day lagu wiiqayo xasilloonida caasimadda iyo carqaladeyn lagu sameynayo qorshaha doorashada qof iyo cod ee dalka.
“Kooxda isku magacowday Samatabixinta ayaa shalay, 24 Sebtembar 2025, si cad isku dayday inay afgembiyaan sharciga iyo dowladnimada,” ayuu yiri Raysulwasaare Xamse.
“Waa arrin nasiib darro ah in madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, indhawaalena u hamuun qabay hoggaaminta, maanta ay ku kacaan falal noocaas ah,” ayuu raaciyey Xamse.
Raysulwasaaruhu waxa uu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u cabbiraan aragtidooda, balse aanay bannaanayn in rabshado la huriyo ama hay’adaha dowladda la weeraro.
Xamse ayaa ku dooday in dhacdadii Arbacadii ay xambaarsaneyd fariimo dhowr ah oo uu ku sheegay: in lagu carqaladeeyo doorashooyinka soo socda, in Muqdisho dib loogu celiyo fowdadii hore, iyo in la dhaawaco guulihii dhowaan laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wuxuu ammaanay ciidamada ammaanka iyo shacabka Warta Nabadda, isaga oo sheegay inay iskaashadeen si ay u fashiliyaan weerarka. Xamse waxa uu ballan qaaday in cid kasta oo ku lug yeelata dhacdadaas la hor keeni doono cadaaladda, isaga oo ku celiyay ballanqaadka dowladda ee qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.