Jabuuti (Dawan) – Roobab mahiigaan ah oo Isniintii ka da’ay koonfurta Jabuuti ayaa sababay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed, oo ay mid tahay waxyeello soo gaartay saqafyada kore ee ku dhowaad 100 guri, halka korontaduna ay ka go’day magaalada Mouloud ee Gobolka Dikhil, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda ee ADI.
Inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah, haddana dhowr qof oo ku dhaawacmay roobabka iyo dabaylaha xooggan ayaa loo qaaday Isbitaalka Dikhil, oo ah xarunta gobolka, halkaas oo lagu daweynayo.
Roobabka culus ayaa khasaare muuqda ka geystay magaalada Mouloud, iyadoo dabaylo xooggan ay burburiyeen ama ka qaaday saqafyada ku dhowaad 100 guri, halka koronto la’aantu ay magaalada gelisay mugdi.