Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in bisha Abriil ee sannadkan dib loo furi doono xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaddib 15 sano oo uu xirnaa sababo la xiriira weerarro ay geysatay kooxda Al-Shabaab.
Xadka ayaa la xiray kadib weerarro isdaba joog ah oo ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya, kuwaas oo ay ku sheegeen inay uga aargudanayeen ka qeybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya. Weerarradii ugu dhimashada badnaa waxaa ka mid ahaa kii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mall sanadkii 2013 oo ay ku dhinteen 67 qof, iyo weerarkii Jaamacadda Garissa University College oo sababay dhimashada in ka badan 140 qof.
Tan iyo xilligaas, Kenya ayaa qaab hal dhinac ah u xirtay xadka, iyadoo ku tilmaantay tallaabo ka hortag ah oo looga jawaabayo hanjabaadaha Al-Shabaab.
Ruto ayaa sheegay in kadib qiimeyn amni oo muddo socotay, in laba goobood oo laga gudbo xadka dib loo furi doono, balse ay joogi doonaan ciidan xooggan si loo sugo amniga.
“Ma suurtagalayso inaan ganacsi sameyno iyadoo xuduuduhu xiran yihiin. Sababtaas awgeed, waxaan bisha Abriil dib ugu soo laaban doonaa halkan si aan si rasmi ah u furo xadka isku xira Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri William Ruto.





