Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa maalintii labaad ka qaybgalay Shirweynaha Isbeddelka Nidaamka Beeraha iyo Cuntada ee 2026, oo ka socda Jamhuri Park, halkaas oo beeraleyda iyo madaxda dalka ay ku qiimeynayaan horumarka laga sameeyay wax-soo-saarka beeraha, iyagoo sidoo kale ka arrinsanaya tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xoojiyo isku-filnaanshaha cuntada dalka.
Xoolo-dhaqatada ka kala socday gobollada dhulka oomanaha ah iyo kuwa ay biyuhu ku yar yihiin ee Kenya ayaa sheegay in horumar laga sameeyay helitaanka biyaha, quudinta iyo daaqa xoolaha, yareynta cudurrada iyo adeegyada la-talinta xoolaha. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la kordhiyo maalgelinta loo qoondeeyo heerka dowlad-goboleedyada.
Beeraleyda galleyda, sonkorta iyo bunka ayaa dowladda uga mahadceliyay kabista ay siisay, deyn-cafinta, Xeerka Sonkorta iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka. Waxay sidoo kale dalbadeen in laga fududeeyo culayska deymaha, in lacagaha wax-soo-saarkooda lagu bixiyo waqtigooda, in la helo abuur tayo leh iyo qalab casri ah oo wax-soo-saarka lagu farsameeyo, isla markaana la soo afjaro kooxaha suuqa si aan caddaalad ahayn u maamula.
Guddoomiyaha Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa soo dhoweeyay beeraleyda ka qaybgalaysa shirweynaha, isaga oo sheegay in Nairobi loo doortay goobta shirka maadaama ay tahay magaalada ugu weyn ee dalka, isla markaana ay tahay suuqa ugu weyn ee cuntada laga isticmaalo.