Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.
Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda.
Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan inay wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guur-guuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dambeysa.
Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal imaan doona saddex boqol oo sano kaddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen.
Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan.
Soomaalidu tan hore bay la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen.
Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu la’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas.
AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYE
Dad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay mas'uul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay.