Riyaad, 16 Janaayo 2026 (Dawan) — Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa billowday wadahadallo horudhac ah oo heer sare ah oo ay la yeelanayso Soomaaliya iyo Masar, kuwaas oo ku saabsan dhismaha isbahaysi militari cusub oo saddex geesood ah, sida ay warisay wakaaladda Bloomberg. Qorshahan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo mid istiraatiiji ah, gaar ahaan ammaanka Badda Cas iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Warbixinta Bloomberg ayaa sheegtay in isbahaysigan cusub uu diiradda saarayo ballaarinta wada-shaqeynta militari, is-dhaafsiga macluumaadka amniga, iyo isku-dubbaridka dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka. Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago Sacuudi Carabiya maalmaha soo socda, si loo dardargeliyo una dhammeystiro wadaxaajoodyada heshiiskan.
Wadahadalladan ayaa imanaya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay joojisay heshiisyo amni iyo kuwo dekedaha la xiriira oo ay la lahayd Imaaraadka Carabta, iyada oo ku eedeysay Abu Dhabi faragelin ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Sida ay Bloomberg xustay, saraakiil Sacuudi ah ayaa ku dhiirrigeliyay Muqdisho in ay hoos u dhigto xiriirka amni ee ay la leedahay Imaaraadka, arrintaas oo qayb ka ah dib-u-habeyn ballaaran oo ku saabsan isbahaysiyada gobolka.
Xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi soo galay sannadihii u dambeeyay, inkastoo ay weli wada shaqeeyaan dhinacyada qaarkood sida OPEC+. Khilaafka ayaa si gaar ah u xoogaystay kaddib kala aragti duwanaansho ku saabsan Yemen iyo loollanka saameynta gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Geeska Afrika.




