Soomaaliya, 2 November 2025 — Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada ammaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka shaqeyn jireen qeybta jabhadda ee kooxda.
Sawirro ay maanta ku baahisay barteeda Facebook, hay’adda ayaa muujisay saddexda nin, iyadoo la sheegay in raggan ay is dhiibeen. Waxaana sidoo kale la sheegay in raggan ay bixiyeen warbixin hordhac ah oo ku saabsan dhibaatooyinka kooxda Al-Shabaab ku hayso deegaanka.
Hay’addu ma shaacin magacyada saddexda nin ee la soo bandhigay, goobaha ay ka howlgali jireen, iyo sidoo kale meesha ay hadda isku soo dhiibeen.
Hay’adaha amniga Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay oo ay shalay ugu dambeysay.
Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaanada Koonfurta Soomaaliya ee weli Al-Shabaab ka joogaan, kana dagaallamaan.

%2520Southwest_State_Security_AlShabaab_Defectors_Nov2025.jpg&w=3840&q=75)
%20Southwest_State_Security_AlShabaab_Defectors_Nov2025-1024x683.jpg&w=3840&q=85)
