Muqdisho (Dawan) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadallo ay sheegtay inay ka soo baxeen mas’uuliyiinta Taiwan oo ku saabsan xafiiska ay Taiwan ku leedahay Somaliland, iyadoo ku celisay mowqifka dowladda Shiinaha ee ku aaddan arrinta Taiwan.
Safaaradda ayaa sheegtay in uu jiro “Hal Shiinaha oo keliya” isla markaana Taiwan ay qayb ka tahay dhulka Shiinaha, iyadoo ku tilmaantay arrintan mid ku saleysan taariikh iyo sharci caalami ah.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii xafiiska Taiwan ee Somaliland uu sheegay in Taiwan iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha aysan midba midka kale hoos imaan, isla markaana Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758 uusan si toos ah u xusin Taiwan.