Ku dhawaad hal sano iyo bar kadib tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo inuu yahay mid ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland, Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu booqan doono magaalada Laascaanood – taasoo dhalisay falcelinno badan, hadal-heyn siyaasadeed, iyo su’aalo ku saabsan micnaha iyo saameynta safarkiisabee siyaasadda Soomalaiya.
Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa 6-dii Abriil 2025 xaqiijiyay in uu booqan doono magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ujeedada booqashadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamulka SSC Khaatumo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. "Waxaan cadeenayaa inaan diyaar u nahay inaan soo aragno dadka sharafta leh ee SSC Khaatumo, waxaan diyaar u nahay inaan la soo noolaanno," ayuu yiri Raysul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Safarka Xamse haddii uu rumoobo, wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sarreeyay ee xukuumadda Soomaaliya booqda Laascaanood tan iyo booqashadii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 1980-meeyadii. Laascaanood sidoo kale waa magaalada lagu dilay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, 15-kii Oktoobar 1969-kii.
Marka laga soo tago taariikhda magaalada, hadda magaalada waxa ay wajaheysaa xiisado dheeraad ah, iyada oo ay jiraan caqabado siyaasadeed. Magaaladu waxa ay ku hardamaysaa dhinaca siyaasadda ee kala ah maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, oo ay dowladda Soomaaliya aqoonsatay, iyo Puntland iyo Somaliland.
Laacaanood ayaa ah caasimadda SSC Khaatumo, oo ah maamul ku meel gaar ah oo ka kooban Gobollada Sool, Sanaag, iyo Ceyn, kaas oo aqoonsi ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Oktoobar 2023, markii Isimmada deegaannadaas ay ku dhawaaqeen in ay yihiin maamul gooni u taagan oo ka madax banaan Puntland iyo Somaliland, balse hoostagaan dowladda Federaalka Soomaaliya.