Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Muqdisho kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Col. Cismaan Dhoobad Suugoole, warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed, tallaabo rasmi ah oo muujinaysa bilowga howlaha danjirenimo ee safiirka cusub.
Wasiirka ayaa safiirka cusub ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Muqdisho.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, arrimaha diblomaasiyadda, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.


