Ukraine 6 November 2025— Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ukraine, Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa Arbacadii si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, taasoo calaamad u ah bilowga rasmiga ah ee shaqadiisa diblomaasiyadeed ee Kyiv.
Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kyiv ayaa waxa Soonaaliya ku wehliyey safiirrada cusub ee dalalka Boqortooyada Ingiriiska (UK), New Zealand, iyo Chile, kuwaas oo dhammaantood bilaabay hawlahooda safiirnimo ee Ukraine.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa hambalyo u diray safiirrada cusub, isagoo sheegay in dowladda Ukraine ay diyaar u tahay ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan xiriirka siyaasadeed, ganacsiga iyo horumarinta xiriirka Afrika.







