Khartoum (Dawan)– Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Suudaan, Dr. Axmed Jaamac Cumar, ayaa waraaqaha safiirnimo u gudbiyay hoggaamiyaha Suudaan, Jeneraal Cabdulfataax Al-Burhaan.
Xafladda ayaa maanta ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee caasimadda Khartoum, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan, Muxyidiin Saalim, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Suudaan (SUNA).
Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay inuu Al-Burhaan gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u rajeeyay shacabka Suudaanina horumar iyo barwaaqo joogto ah.