Muqdisho (Dawan) – Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Kenya, ahna wakiilka u qaabilsan Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Uganda, T.B.H. Witjaksono Adji, ayaa booqday Jaamacadda Hormuud, isaga oo maamulkeeda kala hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo is-dhaafsiga dhaqanka.
Booqashada ayaa ku soo beegantay markii Jaamacadda Hormuud ay dhowaan aasaastay Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Indonesia iyo Afrika (International Institute of Indonesian and African Studies), kaas oo si wadajir ah loogu aasaasay iskaashi ay la leedahay Universitas Muhammadiyah Riau iyo Universitas Islam Riau ee dalka Indonesia.
Jaamacadda ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa doorka machadka, si uu u noqdo xarun lagu horumariyo iskaashiga tacliinta sare, cilmi-baarista iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo dhaqanka ee u dhexeeya Indonesia iyo dalalka Afrika.