Khartoum (Dawan) - Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan Axmed Jaamac Cumar ayaa gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Muxiyadiin Saalim, taasoo qayb ka ah habraaca rasmiga ah ee aqoonsiga diblomaasiyadeed, sida uu soo tabiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.
Intii lagu jiray munaasabadda, safiirka ayaa gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, waxbarashada iyo dhaqanka.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay muhiimadda horumarinta danaha wadajirka ah ee gacan ka geysanaya xasilloonida gobolka, horumar waara iyo iskaashi caalami ah oo ballaaran.


