Congo, 21 October 2025 (Dawan) — Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), Ilyas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirnimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Marwo Thérèse Kayikwamba Wagner, kulan rasmi ah oo ka dhacday magaalada Kinshasa.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya lbada dal, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada gobolka, fursadaha ganacsiga, maalgashiga, fududeynta socdaalka, iyo sii deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada dalkaas.
Gudbinta warqadaha safiirnimo ayaa imaaneysa ka dib khilaaf diblomaasiyadeed oo bishii September dhex maray, safiirrada Soomaaliya ee Kenya iyo Tanzania, kadib markii ay isku khilaafeen cidda sharci ahaan u leh inay matasho Soomaaliya gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii wafdi ganacsi oo Soomaali iyo Kenyati ah oo uu hogaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, uu booqday magaalada Kinshasa, iyada oo aysan ogeyn safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, taas oo soo saaratay bayaan ay ku sheegtay in iyadu kaliya ay tahay safaaradda loo igmaday ilaalinta danaha Soomaaliya ee Congo.
Safiirkaan cusub ee warqadaha aqoonsiga gudbiyay ayaa meesha ka saaraya isku qabsi dhanbo oo dhex mara safaaradaha Kenya iyo Tanzaaniya ee Soomaaliya oo ku saabsan cidda iska leh awooda matalaadda safiirnimo ee Jamhuuriyadda Dimuqoraadiga ee Congo.



