Muqdisho (Dawan) — Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu daahfuray shirweyne looga hadlayo ka hortagga fikirka xagjirka ah, kaas oo ku soo beegmay sanad guuradii sagaalaad ee qaraxii isgoyska Zoobe ee dhacay 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo galaaftay nolosha boqollaal qof.
Shirweynaha oo ay qabanqaabisay Xarunta Qaranka ee Tubsan ayaa soconaya 14-ka iyo 15-ka Oktoobar. Furitaanka shirka ayaa lagu xusuustay dadkii ku dhintay qaraxa, kuwii ku dhaawacmay iyo qoysaskii ay musiibadaasi murugada ku reebtay.
Agaasimaha Guud ee Xarunta Tubsan, Cali Yaasiin Gurbe, ayaa sheegay in xusuusta dhibbanayaashu ay udub-dhexaad u tahay ujeeddada shirweynaha. “Ujeeddada guud ee shirku waa in la xusuusto dadkii Soomaaliyeed ee ay dhibaatada gaarsiiyeen Khawaarijtu,” ayuu yiri Cali Yaasiin, isaga oo adeegsanaya magaca ay Dowladda Soomaaliya u taqaan Al-Shabaab.