Muqdisho ( Dawan)- Dowlad-goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si cad u diiday go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid si toos ah ugu xadgudbeysa sharciga caalamiga ah, kuna tumanaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen madaxtooyooyinka dowlad-goboleedyadan, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay weli tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Soomaaliya, isla markaana aqoonsi kasta oo dibadda ah oo la siiyo uu khatar ku yahay nabadda, amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.
Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa bayaan uu soo saartay 27-ka Diseembar 2025 ku sheegay in ku dhawaaqista Israa’iil ay si cad u jebinayso axdiyada iyo qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay ee dhowraya madaxbannaanida iyo midnimada dalalka xubnaha ka ah.
Hirshabelle waxay carrabka ku adkaysay in isku day kasta oo lagu sharciyeynayo gooni-isu-taagga Somaliland uu dhaawacayo midnimada qaran ee Soomaaliya.
Dhankeeda, Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa si adag u cambaareeysay hadallada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, waxeyna ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo carqaladeyn karta xasilloonida gobolka.







