Muqdisho (Dawan)— Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in safarkiisa dhowaan uu ku tagay Imaaraadka Carabta aan loo adeegsan karin marmarsiiyo lagu beegsado mucaaradka, isagoo dowladda ku eedeeyay inay caqabado ku abuureyso wada-hadallo siyaasadeed oo la filayo bishan.
Shariif ayaa sheegay in shirka la filayay in la qabto bishan Oktoobar ay hareeyeen waxa uu ku tilmaamay daandaansi iyo diyaar-garow dagaal oo ay waddo xukuumadda uu sheegay in waqtigeedu dhammaaday.
“Waxa ay ahayd bishan October, sidaad maqasheen, in uu shir dhaco. Shirkaas waxa loo abuuray caqabado. Caqabadahaas waxa ka mid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen, inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay ku soo qaadaan mucaaradka,” ayuu yiri Shariif.
Wuxuu sheegay in xukuumaddu tan iyo 4-tii June ay wadday, sida uu sheegay, abaabul dagaal, isla markaana aysan ka tanaasulin. Shariif ayaa sheegay in xaaladdu ay walaac gaar ah leedahay, isagoo ku dooday in dagaallo ay ka socdaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, halka dowladda uu ku eedeeyay inay isku dayeyso inay wiiqdo maamullada kale.
“Caqli-darradu marka waxay tahay: maamul-goboleedyadii waad dumiseen, dagaal ayaa ka socda, kuwana gacanta ku haysaan inay dumisaan, haddana dagaalka inay soo rartaan oo magaalada caasimadda ah aad keentaan,” ayuu yiri.
Shariif ayaa sheegay in muranka siyaasadeed uu ugu dambeyn ku saabsan yahay hannaanka doorashada, isagoo dowladda ku eedeeyay inay dooneyso inay doorashada “boobto”. Wuxuu ka digay in dagaal dheeraad ah lagu soo raro Muqdisho, isagoo sheegay inuu la socdo dhaqdhaqaaqyada iyo waxa uu ku tilmaamay diyaar-garowga socda.
“Waa ka digeynaa, waa la soconaa waxa socda. Dhaqdhaqaaqa socda, diyaar-garowga socda, waa la soconaa,” ayuu yiri.