Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tilmaamay in dalku uu galay “marxalad adag oo firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan,” sida uu hadalka u dhigay kadib markii ay dhammaatay muddadii Baarlamaanka Federaalka ee ku xusnayd dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee 2012.
Qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter) maanta oo Arbaco ah, Sharmaarke ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda ku shaqeyneyso “waqti amaah ah,” iyadoo leh fursado aad u kooban oo halis leh si ay u hirgeliso ajandayaashii ay mudnaanta siisay.
“Waxaan galnay marxalad adag oo firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan ah,” ayuu yiri, isagoo xusay in weli ay jirto “hal bil” oo fursad ah oo Madaxweynaha uu ku kulmin karo dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo gaaro heshiis ay wada aqbali karaan.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka iyo xaaladda sharci ee hay’adaha dowladda, kadib markii ay dhammaatay muddadii Baarlamaanka 11-aad 14-kii Abriil, sida uu dhigayo dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee 2012 oo xaddidaya muddo afar sano ah.
Sharmaarke ayaa ka digay in fashil ka yimaada is-afgarad la’aan uu sii kordhin karo xasillooni darro siyaasadeed, isagoo ku baaqay wadahadal loo dhan yahay oo ay ka qeybgalaan dowladda federaalka, mucaaradka, iyo dowlad-goboleedyada.


