Muqdisho (Dawan)- Sheekh Cismaan Xiddig: Waa Ilayskii Islaamka. Waxaa qoray; Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)
“Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama' la'aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey
Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
Abidkii rag waa go’i jiree tani se waa gaw e.”
— Cali Jaamac
Cali waxa uu gabaygan marshay mar loo soo sheegay geerida nin magac ku lahaa bahdiisa iyo agtiisaba. Isaga oo sheegaya wanaaggii, foolaadnimadii, deeqdii, dunwanaaggii, gobanimadii, dulqaadkii, iyo dadnimadiisii wanaagsanayd ayuu mariyay gabay dheer oo si weyn looga yaqaan dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Tuducyadan aan soo sheegnayna waxa ay ka mid yihiin gabaygaas oo laguna garan og yahay: “Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”.
Basharku waa geeri-u-joog, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa; “Haddii geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn”. Dhimashadii iyo geeridii ku timid caalinkii weynaa, caabidkii baarriga ahaa, foolaadkii mar-la-aragga ahaa, hormuudkii filkii ka tilmaannaa, maqaddimkii qiimiga weynaa, waracii xalaalmiiradka ahaa, macallinkii ka suntanaa culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrikaba—geeridani, waxa ay ahayd mid gilgishay dhammaan shacabweynaha kala duwan ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Madaxda qaranka Soomaaliyeed oo idil ayaa dhanbaallo tacsi ah ka bixiyay, aqoonyahanka kala duwan ayaa iyana si weyn uga tacsiyeeyay, ardayda iyo xerta ku fooggan barashada diinta Islaanka ayaa iyana muujiyey murugo iyo baroordiiq dhulka ruxday.