Beijing, 12 Janaayo 2026 (Dawan) – Dowladda Shiinaha ayaa si rasmi ah ugu casuuntay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka qeybgalo meertada labaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Shiinaha iyo Waddamada Carabta, taas oo muujinaysa sii xoojinta taageerada istiraatiijiyadeed ee Beijing u fidiso Muqdisho.
Martiqaadka ayaa lagu soo gudbiyay wadahadal dhanka taleefanka ah oo Axaddii dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, sida ay werisay warbaahinta dowladda Shiinaha, gaar ahaan wargeyska China Daily. Shir-madaxeedkan ayaa la filayaa in lagu qabto Shiinaha dabayaaqada sanadkan.
Casuumaaddan ayaa ku soo aadaysa xilli Soomaaliya ay raadinayso taageero diblomaasiyadeed oo ballaaran, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xubinnimadeeda Jaamacadda Carabta, si ay u xoojiso mowqifkeeda ku aaddan diidmada aqoonsi caalami ah oo loo fidiyo Somaliland.
Wang Yi ayaa sheegay in Shiinuhu weli ka go’an yahay xiriir saaxiibtinimo iyo iskaashi oo uu la yeesho Soomaaliya, isagoo xusay in Beijing ay taageerayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, “iyada oo aan loo eegin isbeddellada ku yimaada xaaladda caalamiga ah.”







