Caabudwaaq — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa maanta ka degay degmada Caabudwaaq ee dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka billaabay safar shaqo oo uu ku tagayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Sida uu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, safarkan ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta caqabadaha ka jira degmada, gaar ahaan abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee bini’aadantinimo ee ka jira deegaannadaas.
“Waxaan u ambabaxay safarro shaqo oo aan ku kala bixinayo degmada Caabudwaaq iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay baraha bulshada.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in inta uu ku sugan yahay degmooyinkaasi uu kulamo la yeelan doono bulshada deegaanka, si uu uga dhageysto duruufaha adag ee ay wajahayaan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan saameynta abaarta.






