Addis Ababa (Dawan ) – Shirka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada istiraatiijiga ah ee mudnaanta leh.
Shirkan, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto qaaradda Afrika, ayaa isu keenay madaxda dowladaha iyo xukuumadaha si loo horumariyo iskaashi waara oo hoos yimaada Qorshaha Hindisaha Mattei ee Iskaashiga Afrika, kaas oo dowladda Talyaanigu daahfurtay sannadkii 2024.
Ajendaha shirka ayaa diiradda saaraya ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo hal-abuurka, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo iskaashi wax-ku-ool ah oo dan u ah labada dhinac.
Madaxweynaha Soomaaliya, oo ku sugan Addis Ababa, ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeyb galaya shirka, waxaana la filayaa inuu kulammo la yeesho madaxda Talyaaniga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka soo qeyb galay.







