Muqdisho (Dawan) –– Shirka u dhexeeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Villa Somalia. Shirkan ayaa looga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda, wax ka badalka iyo dhameystirka dastuurka, abaaraha dalka ka jira, amniga, iyo arimaha la xiriira midnimada Soomaaliya.
Shirka waxa ka qayb galaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarayaal hore, iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Dhanka kale, Dowladda Federaalka waxaa shirka uga qayb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaarre Xamse Cabdi Barre, qaar ka mid ah xubnaha wasiirrada Xukuumadda, iyo taliyaha Nabad Sugida Qaranka, Mahad Salaad.







