Muqdisho (Dawan) – Shirka Khubarada Milateriga ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Isniintii si rasmi ah uga furmay Muqdisho, kaas oo gogol-xaar u ah shirka taliyeyaasha ciidamada difaaca, sida uu sheegay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu dhaqan-gelinayo go’aamadii Shir Madaxeedka gaarka ah ee dalalka ciidamada ku taageera AUSSOM ee Kampala ka dhacay.
Khubarada milateriga ayaa ka wada hadlay dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda awoodaha iyo agabka ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgalka.