Muqdisho (Dawan) – Agaasimaha Machadka Saldhig, isla markaana horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in guusha laga gaaro la-dagaallanka Al-Shabaab ay ku xirnaan doonto isku xirnaan bulsho, kalsooni dowladeed iyo istaraatiijiyad siyaasadeed oo mideysan.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu Xuseen Macallin ku sheegay in kooxaha sida Al-Shabaab aan looga adkaan karin awood ciidan oo keliya, balse loo baahan yahay in shacabka la kasbado lana mideeyo.
" Aniga waxana ahay dadka qaba Shabaab in laga guuleysan karo, weliba xilli kooban looga guuleysan karo. Dhinaca kale waxaa loo baahanyahay in la sameeyo wixii looga guuleysan lahaa" ayuu yiri, Xuseen Macallin.
Wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalka ka dhanka ahaa Daacish ee Ciraaq, isagoo sheegay in guusha halkaas laga gaaray ay timid kadib markii la mideeyay shacabka oo ay dowladdu kasbatay kalsoonidooda, taas oo suuragelisay in muddo kooban lagu soo afjaro awooddii kooxda.
“Ciraaq waxaa la mideeyay shacab ku jiray xaalad kala aragti duwan. Laba sano iyo bar ayaa lagu soo afjaray Daacish oo la ogaa awoodda ay lahayd,” ayuu yiri.


