Jabuuti (Dawan) — Dalalka xubnaha ka ah IGAD ayaa midkiiba $2 milyan ku biirinaya dhismaha xarunta cusub ee ururka oo laga dhisayo magaalada Jabuuti, sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ku yeesheen dalkaas Taladadii. Go’aanka lacag-bixinta ayaa markii hore lagu gaaray bishii Juun 2023, iyadoo IGAD ay dalalka xubnaha ka ah ku boorrisay inay fuliyaan ballanqaadyadooda ku aaddan maalgelinta xarunta.
Toddobada dal ee hadda xubnaha ka ah ururka ayaa haddii ay dhammaantood bixiyaan lacagta laga rabo, wadarta tabarucaadku gaari doonaa $14 milyan.
Golaha Wasiirrada IGAD ayaa sidoo kale dalalka xubnaha ka ah faray inay sannad gudihii ku bixiyaan lacagaha kale ee xubinnimada kaga baaqday, iyagoo u maraya jadwal lacag-bixin oo saddexdii biloodba mar ah.