Jigjiga (Dawan) – Dadweynaha ku nool Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, iyadoo maanta ay si rasmi ah uga bilaabatay guud ahaan Itoobiya doorashada guud ee toddobaad ee dalkaas.
Doorashadan oo ku saleysan nidaamka qof iyo cod ayaa lagu dooranayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya iyo golayaasha heer deegaan. Xisbiyada siyaasadda iyo musharraxiinta madaxbannaan ayaa ku tartamaya kuraas kala duwan oo heer federaal iyo heer deegaan ah.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE) ayaa shaaciyay in 54,57,861 codbixiye ay isu diiwaangeliyeen doorashadan, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah codbixinnadii ugu ballaarnaa ee dalkaasi soo mara.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah deegaannada ay doorashadu ka socoto, waxaana saacadihii hore ee saaka laga dareemayay dhaqdhaqaaq xooggan oo codbixin ah, iyadoo shacabka ay safaf ugu jireen xarumaha codbixinta ee magaalooyinka iyo degmooyinka kala duwan.









