Muqdisho (Dawan) – Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa si kala duwan uga qeyb galay xuska 1-da Luulyo, oo ah Maalinta Xornimada Gobollada Koonfureed iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo Jubaland ay sanadkan ka duwanaatay maamullada kale, xilli aysan ka dhicin dabaaldeg ballaaran, balse uu Madaxweynaha Jubaland diray hambalyo ku aaddan munaasabadda.
Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Waqooyi Bari ayaa dhammaantood lagu qabtay munaasabado lagu maamuusay maalintan taariikhiga ah, oo xusaysa midowgii 1960-kii ee gobolladii waqooyi iyo koonfur ee aasaaska u noqday Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Jubaland, oo sanadihii hore si firfircoon uga qayb qaadan jirtay xuska 1-da Luulyo, ayaa sanadkan aan laga arag munaasabado waaweyn oo lagu xusayo maalintan, arrintaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed, maadaama 1-da Luulyo ay astaan u tahay xornimada, midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed.
Dhuusamareeb: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku soo qaaday mowqifkiisa la xiriira tanaasulka iyo ka harista tartanka hoggaanka Galmudug, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed, wadajir iyo ilaalinta danaha maamulka.
Garoowe: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay farriimo siyaasadeed oo culus, isagoo dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Deni ayaa adkeeyay in nidaamka federaalku uu ku dhisan yahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, xilli ay sii xumaanayaan xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe.