Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa bilowday gurmad degdeg ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen duufaanno xooggan oo ka dhacay deegaanka Mouloud ee Gobolka Dikhil, kuwaas oo sababay hal qof oo geeriyooday iyo 12 qof oo dhaawacmay, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa faray in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda, iyadoo wafdi dowladeed loo diray deegaanka si ay u qiimeeyaan khasaaraha iyo xaaladda dadka ay saameeyeen duufaannadu.
Wafdiga oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Isku-xirka Bulshada Ouloufa Ismaaciil Cabdi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Orbis Helef Orbis, ayaa bilaabay qiimeynta khasaaraha iyo isku dubbaridka howlaha gurmadka.
Qiimeyntii hore ee la sameeyay ayaa muujisay in duufaannadu ay waxyeelleeyeen 164 guri iyo lix goobood oo ganacsi. Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaallada Dikhil, Cali-Sabieh iyo magaalada Jabuuti.