Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Isniintii xafiiskiisa ku qaabilay Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta koowaad ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dowladda, iyo hooyadiis, Safiyo Macallin Cabdulle.
Maxamed Ciise Daahir, oo ka socday dugsiga Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa noqday ardayga ugu sarreeya natiijada imtixaanka sanadkan, kaas oo ay u fariisteen in ka badan 43,000 oo arday.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo la wadaagay Maxamed Ciise, isagoo sidoo kale si gaar ah u ammaanay hooyadiis Safiyo, oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay waxbarashada iyo barbaarinta wiilkeeda.
“Hooyo Safiyo kaalinta koowaad ayay u gashay hooyooyinka Soomaaliyeed, wiilkeeduna kaalinta koowaad ayuu u galay ardayda Soomaaliyeed. Taasi waxay ku timid juhdiga hooyada iyo dadaalka ay gelisay waxbarashada wiilkeeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.