Muqdisho (Dawan)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xoojiyay diyaar-garowga looga hortagayo khataraha ka dhalan kara roobabka deyrta iyo saadaasha cimilada ee la xiriirta Super El Niño, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka mid tahay meelaha u nugul saameynta daadadka iyo roobabka xooggan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen guddiga heer gobol ee gurmadka iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay tallaabooyinka horudhaca ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday iyo qorshayaasha loogu diyaar-garowayo xaaladaha la saadaalinayo.
Guddiga ayaa diiradda saaray qiimeynta goobaha ugu nugul daadadka, diyaarinta goobo keyd ah iyo agab loogu talagalay gurmadka, iyo sidii loo heli lahaa goobo ammaan ah oo bulshada loogu adeegayo haddii xaalad degdeg ahi dhacdo.
Sidoo kale, qorshuhu wuxuu taabanayaa howlgelinta adeegyada caafimaadka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha dowladda, ganacsatada, bulshada rayidka iyo dhinacyada kale ee muhiimka u ah maareynta xaaladaha degdegga ah.