Muqdisho (Dawan)- Marka laga hadlayo awoodda dowladeed, ma jiro halbeeg ka run badan sida ay dowladdu u ururiso canshuuraheeda. Dowlad awood u leh inay si hufan u qaaddo dakhliga cid kasta ku waajib ah waxay muujisaa inay leedahay hay'ado shaqaynaya iyo nidaam lagu kalsoonaan karo. Hase yeeshee, marka nidaamkaas uu daciifo, booska waxaa buuxiya dad iyo habab aan sharci ku dhisnayn; oo isagu jira dad u dhexeeya dowladda iyo dadka iyo saraakiil awood u yeesha inay go'aamiyaan inta la bixinayo iyo inta la diiwaangelinayo.
Muddo dheer, tani waxay ahayd xaqiiqada ka jirtay goobaha laga soo galo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Gaari sida badeecooyin ayaa soo gaadha barta kastamka. Sarkaalka ayaa furaya buug wuxuuna u jaraya rasiidhada gacanta lagu qoro, waxaana halkaas ka bilaabma nidaam aysan caddayn inta canshuur ah ee dhab ahaantii lagu leeyahay. Darawalku marar badan ma oga lacagta saxda ah ee laga rabo, halka sarkaalkuna uu leeyahay awood uu ku qoro lacagta uu u arko inay ku habboon tahay. Meeshaas waxaa ku lumay lacago badan oo aan waligood gaarin khasnadda dowladda.
Xaaladdan kuma koobna Hirshabeelle, mana aha mid Soomaaliya u gaar ah. Dalal badan oo hay'adahoodu weli kobcayaan ayaa la kulma dhibaatooyin la mid ah marka canshuur ururintu ku tiirsanaato warqado iyo go'aanno shaqsiyeed halkii ay ka ahaan lahayd nidaam dijitaal ah oo qof walba ogaan karo.
Hase yeeshee, Hirshabeelle dhibaatadani waxay uga dhignayd wax ka weyn arrin maaliyadeed. Maamul weli ku jira marxalad dhisme ayaa u baahnaa inuu muwaadiniintiisa tuso in dakhliga dowladda lagu ururin karo si caddaalad iyo hufnaan leh. Sidaas darteed, goob kasta oo kastam ah waxay noqotay meel lagu cabbirayo kalsoonida shacabka ee dowladda.
Maanta, isbeddelka ka socda goobahaas ma aha olole cusub oo canshuur ururin ah, mana aha hay'ad cusub oo la aas aasay. Waa qalab yar oo gacanta lagu qaato, isla nooca laga isticmaalo dukaamada casriga ah, balse loo habeeyey inuu ka shaqeeyo goobaha kastamyada.
Qalabkan waxaa Muqdisho ku samaysay shirkadda Soomaaliyeed ee Tabaarak ICT, waxaana loogu magac daray SUMER (Solution for Unified Management of Electronic Revenue). Ujeeddadiisu waa mid cad: in meesha laga saaro awooddii qofka ee go'aaminaysay inta la bixinayo, iyadoo canshuurta lagu saleynayo qiime hore loo dejiyey oo nidaamku si toos ah u soo saarayo.
Maxay ahayd cilladdii nidaamkii hore?
Dhibaatadu kuma koobnayn in dakhliga dowladda uu lumo oo keliya. Nidaamkii hore ee canshuur ururintu wuxuu lahaa daldaloolo badan oo saameeyay hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kalsoonida lagu qabo hay'adaha dowladda.
Meesha ugu weyn ee dhibaatadu ka bilaaban jirtay waxay ahayd xilliga canshuurta la go'aaminayo. Darawallada soo qaada badeecadaha badankoodu ma ogeyn inta saxda ah ee lagu leeyahay, taasoo ka dhigtay in canshuur ururintu isu beddesho gorgortan. Arrintaas ayaa abuurtay fursad lagu dhimi karo canshuurta rasmiga ah, iyadoo lagu beddelanayo lacago aan diiwaanka dowladda gelin. Sidaas darteed, qayb ka mid ah dakhliga dowladda ayaa lumi jirtay ka hor inta aan wax lacag ah si rasmi ah loo diiwaangelin.
Wwaraaqaha waxay ahaayeen caqabad kale. Marka la daabaco ka dib way lumi kareen, waa la been-abuuri karey ama waxaa dhici kartay inaysan waafaqsanayn lacagtii dhab ahaan la ururiyey. Intaa waxaa dheer, lacagaha marar badan uma geli jirin si toos ah akoonnada dowladda, balse waxay sii mari jireen ganacsato ama dhexdhexaadiyeyaal, taasoo adkaynaysay in la ogaado dakhliga dhabta ah ee soo xarooday.
Caqabad kale oo weyn waxay ahayd isu-waafajinta xisaabaadka. Rasiidhadii waraaqaha ahaa waxay u baahnaayeen in loo qaado xafiisyada maaliyadda, mararka qaarkoodna masaafo dhan 90 kiiloomitir, ama sawir ahaan loo diro, ka dibna shaqaale ayaa gacanta ugu gelin jiray nidaamka maamulka maaliyadda. Tallaabo kasta oo gacanta lagu qabto waxay kordhinaysay dib-u-dhac iyo khaladaad.
"Isu-waafajinta xisaabaadku waxay qaadan jirtay 30 illaa 45 maalmood, xitaa markaasna ma hubin jirin in dakhligii oo dhan la diiwaangeliyey. Waxa aan ku shaqayn jirnay qiyaaso, ee ma ahayn xog sax ah," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle, Cabdiraxiin Ciise Cadow.
Sidee ayuu nidaamka SUMER u shaqeeyaa?
Habka uu u shaqeeyo SUMER waa mid fudud, balse si weyn u beddelaya habkii hore ee canshuur ururinta.
Hirshabeelle waxay soo martay saddex marxaladood oo kala duwan si ay u gaarto nidaamka maanta jira.
Marxaladdii ugu horreysay, canshuuraha waxaa lagu qaadi jiray lacag caddaan ah oo shilin Soomaali ah. Lacagtaas ayaa lagu hayn jiray khasnadda dowladda muddo gaareysa 48 saacadood, ka hor inta aan loo beddelin doollar Maraykan ah, dabadeedna lagu shubin akoonka dowladda. Hannaankaas waxaa hareeyay dib-u-dhac, khataro dhinaca amniga ah iyo khaladaad xagga xisaabaadka ah.
Marxaladdii labaad, maamulka Hirshabeelle wuxuu u wareegay adeegyada lacagaha moobaylka sida EVC Plus. Muwaadinku wuxuu lacagta ku bixin jiray wakiil adeeg, isagoo qaadan jiray rasiidh. Lacagta ayaa muddo ku dhow 48 saacadood ku jiri jirtay gacanta wakiilka si loo waafajiyo xisaabaadka, ka hor inta aan loo wareejin akoonka dowladda. Tallaabadan ayaa si weyn u yaraysay isticmaalka lacagta caddaanka ah, isla markaana kordhisay hufnaanta nidaamka.
Marxaladda saddexaadna waa hirgelinta nidaamka SUMER, kaas oo meesha ka saaraya baahidii loo qabay dhexdhexaadiyeyaasha. Marka adeegga la bixiyo, nidaamku wuxuu si toos ah u soo bandhigayaa canshuurta ku waajibta muwaadinka, lacagtuna waxay isla markiiba ku dhacaysaa akoonka dowladda. Tani waxay dowladda u suuragelinaysaa inay si toos ah ula socoto dakhliga soo xaroonaya, iyadoo aan loo baahnayn dib-u-qaabeyn xisaabeed oo qaadata maalmo ama toddobaadyo.
Goorma ayuu qalabku shaqaynayaa?
Gaadiid kasta oo soo gala goobaha canshuuraha waxaa marka hore la diiwaangeliyaa noociisa iyo qaybta uu ka tirsan yahay, maadaama qayb kasta ay leedahay canshuur horay loo cayimay. Haddii xogta gaadhiga is beddesho, nidaamka waa la cusboonaysiin karaa.
Marka gaadhigu soo gaaro barta kastamka, sarkaalka ayaa gelinaya xogta muhiimka ah sida nooca gaadhiga, meesha uu ka yimid iyo qaybta uu ka tirsan yahay. Qalabka SUMER ayaa markaas si toos ah u soo saaraya canshuurta saxda ah ee ku waajibtay.
Sarkaalku ma awoodi karo inuu beddelo qiimaha, mana jiro gorgortan u dhexeeya isaga iyo darawalka. Lacagta laga rabo waxay si cad uga muuqanaysaa shaashadda qalabka, taasoo meesha ka saaraysa mugdigii iyo murankii hore.
"Waagii hore, waqtigayga intiisa badan waxaan ku lumin jiray dood iyo gorgortan. Darawalladu waxay moodayeen inaan anigu go'aamiyo canshuurta, qaar badanna waxay isku dayi jireen inay qiimaha hoos u dhigaan. Hadda qalabka ayaa go'aamiya lacagta la bixinayo, aniguna door kuma lihi. Shaqadaydu way fududaatay, waxaana meesha ka baxay fursaddii gorgortanka," ayuu yiri Maxamuud Xaaji, oo ka tirsan saraakiisha canshuur ururinta.
Marka lacagta la bixiyo, qalabku wuxuu soo saaraa rasiidh ay ku qoran tahay QR Code, kaas oo lagu xaqiijin karo bixinta. Isla waqtigaasna xogta macaamilka waxay si toos ah ugu gudubtaa xarunta dhexe ee nidaamka.
Sidaas darteed, ma jirto baahi loo qabo in dhammaadka maalinta la isu geeyo rasiidhada ama dib loo waafajiyo xisaabaadka, maadaama xog kasta ay si dijitaal ah ugu kaydsan tahay nidaamka isla marka lacagta la bixiyo.
"Markii hore ma aanan ogeyn inta layga qaadi doono ilaa aan gaaro barta canshuurta, waxayna ku xirnayd qofka shaqada haya. Hadda lacagta shaashadda ayaan ku arkaa, taleefankayga ayaan kaga bixiyaa, waxaana qaataa rasiidh leh QR Code. Nidaamku waa dhaqso badan yahay, waxaanan hubaa in qof kasta laga qaadayo canshuur isku mid ah," ayuu yiri Cabdulqaadir Hirabe, oo ah darawal ka shaqeeya gaadiidka xamuulka.